Yaan nahay?
Somarev Online Market waa suuq Online ah oo ay wax ku kala iibsan karaan ganacsatada iyo macaamiishooda.Somarev Logo Suuqa Somarev waxaa iska leh shirkada Somali Reviewer LTD oo ah shirkad ganacsi oo ka diiwaangashan Wasaaradda Ganacsiga ee Dowladda Federaalka Somaaliya. Waxaad tixraaca diiwaan-galinta shirkada ka heli kartaa website-ka Wasaaradda Ganacsiga, gaar ahaan Linkigaan.

Sidee u shaqeeyaa suuqaan?
Qofka ganacsadaha ah ee doonaya inuu qaab Online u ganacsado wuxuu Seller Account ka furanayaa qaybta diiwangalinta ganacsatada ee Somarev (Seller Account Registration). Kadib akoonkiisa ayuu ku soo bandhigayaa badeecadaha uu doonaya inuu suuqaan ku iibiyo. Waxayna midaas u fududaynaysaa ganacsadaha in badeecadiisa ay si fudud u gaarto macaamiisha danaynaysa.

Xiriir noocee ah ayaa ka dhexeeya Somarev  iyo ganacsadaha Seller Account-ga ku leh oo ku ganacsanaya?
Masuuliyada Somarev Online Market waa in qofka  ganacsadaha ee akoonka ku leh ay u fududayso in badeecadiisa ay gaarto macaamiisha u baahan oo si fudud ay internetka uga helaan.

Qofka macmiilka ah mudo intee le’eg ayay ku qaadanaysaa inuu helo alaabta uu ka iibsado suuqaan?
Qofka macmiilka ah markii uu suuqa Somarev alaab ka iibsado, waxaa Somarev Online Market masuuliyad ka saaran tahay in macmiilka uu helo alaabtii uu iibsaday. Mudada ay alaabtaas ku gaarayso macmiilka waxay ku xiran tahay hadba sida ay isugu yihiin magaalooyinka ay kala joogaan macmiilka iyo ganacsadaha iska leh alaabtaas laga iibsaday Somarev. Sida caadiga ahna 4 maalmood gudhood ayay qaadataa inuu macmiilka helo alaabtii uu dalbaday Hadii ay dhacdo in macmiilka uu mudo 7 maalmood ah guduhood ku heli waayo alaabta uu suuqaan ka iibsaday, wuxuu xaq u leeyahay inuu kansalo dalabkaas oo lacagtiisii dib loogu celiyo.